100 ruux oo ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Addis Abab

0 168

Laamaha Caafimaadka dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ku dhawaad 100 ruux ay ku dhaawacmeen qaraxii maanta ka dhacay Fagaarihii uu ka Khudbaynaayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Dadka dhaawacmay ayaa badankooda waxa ay waxyeeladda kasoo gaartay Isbuurashadii Markii uu Qaraxu dhacay.

Dhimashadda ilaa iyo hadda si rasmi ah looma xaqiijin laakiin wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhawaad 10 ruux ay dhinteen.

Qaraxa Nuuciisa ayaa ahaa Bambo Gacmeed dadka lagu dhex tuuray.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.