15 kun arday oo imtixaanaad u fadhiistay Puntland

0 211

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maanta furay imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo kuwa sare ee maamulka Puntland.

Imtixaanka ayaa lagu gali doonaa illaa 100 goobood oo ka tirsan dhulka ay ka taliso dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya

Gaas ayaa ardayda ku dhiirogaliyay imtixaamka, isaga oo u sheegay in ay cabsida imtixaamka iska saaraan.

” Maxaad dareemaysaan, wadnahaa idiin gariiraya miyaa? Idinka oo aanan intixaamka galin ayaadba guuleysateen, mar haddii aad meeshan soo gaarteen, niyadda kheyr u sheega, wajigiina farxad ayaa idiinka muuqata” ayuu yiri Cabdiwali Gaas oo ka hadlayay dugsiga Gambool ee magaalada Garoowe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.