18 kiis oo kufsi ah oo ka dhacay Puntland 3 Bilood ee lasoo dhaafay

0 266

Maxamed Xareed Faarax oo ah Siihayaha Xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland oo warbaahinta kula hadlay Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa faahfaahin ka bixiyay tacadiyo kala duwan oo ka dhacay degaanada maamulka Puntland bilooyinkii lasoo dhaafay.

Waxaa uu sheegay in bilooyinkii lasoo dhaafay dhibaatooyin uu kufsigu ugu horreeyo in ay ka dhaceen deganada maamulka Puntland.

Waxaa uu tilmaamay Maxamed Xareed Faarax in xafiiskiisa ay soo gaareen in afarta gobol ee kala ah Nugaal,Mudug,karkaar iyo Bari ay ka dhaceen tacaddiyada kufsi ah, islamarkaana saddexdii bilood ee sannadkaan ay ka dhaceen 18 kiis oo kufsi ah.

Xeer-ilaaliyaha ayaa eedayn kulul u jeediyay qaar kamid ah hay’adaha reer Galbeedka oo uu sheegay in ay kufsiyo been abuur ah ka sheegaan degaannada Puntland,isagoo digniin ku bixiyay in hay’addii lagu helo arrintaasi sharciga la horgeyn doono.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay qaadi doonto tilaabaayooyin deg deg ah oo looga hortagaayo dhibaatooyinka Kursiga ah.

Odayaasha Dhaqanka degaannada Puntland ayuu kaga digay in ay daboolaan kufsiyada loo geysto gabdhaha,islamarkaana ay laaluush ka qaataan ehelada denbiilaha tacaddiga geystay,si ay lacag uga sameeyaan xaqa dulmanaha.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.