2 Askari oo lagu dilay Muqdisho

0 201

Labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa goordhow lagu dilay Xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid.

Goobjooge ayaa inoo sheegay Labada Askari mid uu ka tirsanaa Xasilinta Midka kalena uu ka tirsanaa Ciidamada Ilaaladda degaanka, kuwaasi oo xilligii la dilayay ku sugnaa Isgoyska Suuq Bacaad.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka , waxaana Rasaas ooda kaga qaaday koox ku hubeysan Bastoolado, kuwaasi oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

“Labo Askari ayaa la dilay, Labo Dhalinayaro ah oo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa dilka u geystay, kadib way baxsadeen, isla goobta ayay ku geeryoodeen.” Ayuu yiri Goobjoogaha inala hadlay.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, halkaasi oo ay ka qaadeen Meydadka Labada Askari, iyaga oo ula dhaqaaqay xarumaha baarista Ciidanka.

Sidoo kale Ciidamada ayaa waxa ay sameeyeen Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa inoo sheegay in ay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyay dilka Askartan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.