25 qof oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Bariga Afghanistan

0 151

nta la xaqiijiyay 25 qof ayaa ku dhimatay bariga Afghanistan kadib markii qarax ismiidaamin ah lagu qaaday meel ay ciidamada dowladda joogeen.

Weerarkaasi ayaa waxa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 40 oo kale.

Kooxda Taliban ayaa muddo inta lagu jiro Ciidda hakisay dagaalka ay kula jiro dowladda, waxayna shacabka fursada usiisey inay si nabad galyo ah u ciidaan, balse weerarkan ayaa waxa masuuliyaddiisa sheegtay kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah.

Ilo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegey in dadka waxyeellada weerarkaasi ka soo gaartay ay isugu jiraan ciidamada Afghanistaan, maleeshiyaadka Talibaan iyo dad rayid ah oo farxadda ciidda u dabaal degayay.

Afhayeen u hadlay dowladda, Attaullah Khogyani, ayaa sheegey in weerarka uu ka dhacay duleedka Jalabalad, xarrunta gobolka Nangarhar.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.