: 3 ka mid ah Kuraasta Banaan ee Golaha Shacabka oo doorashadooda la qaban doono

0 216

udoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo ismaciil ibraahim xaliima yarey ayaa maanta shir jaraaid warbaahinta ugu qabatay magaalada muqdisho.

Xaliimo yarey Ayaa shirka jaraaid waxa ay uga hadleysay sadex kursi oo kamid ah kuwa baarlamaanka Soomaaliya oo banaan in doorashadooda ay qaban doonaan.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay kadalbanayaan Beelaha leh 3-da kursi ee Baarlamaanka Soomaaliya ka bannaan in ay keensadaan dadkii u tartami lahaa.

Xaliimo Ismaaciil ibraahim ayaana sheegin waqtiga rasmiga ah oo ay dhici-doonto doorashada cusub iyada oo sheegtay in ay ka war sugayaan ka guddi ahaan sida murashaxiinta isu-diiwaan-geliyaan.

28-kii Bishaan ayay aheyd markii ay bilaabeen Guddiga doorashooyinka buuxinta kuraasta Banaan ee Golaha Shacabka , waxaana doorashadii ugu horreysay lagu qabtay Magaalada Jowhar waxaana kusoo baxay Xildhibaan Nuur Idow Beyle.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.