Guddiga xalinta Khilaafaadka oo laalay 11 kursi oo lagu soo doortay xarumaha shanta maamul goboleed (Akhriso)

0 345

War qoraal ah oo kasoo baxay gudiga xalinta khilaafaadka ayaa waxaa lagu laalay 11 kursi oo kamid ah kuraastii doorashada xildhibaanada oo ka dhacday xarumaha shanta maamul goboleed.

Qoraalka oo ay heshay Radio Baydhabo ayaa waxaa ka muuqday in shan kamid ah xildhibaanada lagu doortay magaalada Baydhabo aysan waxba ka jirin, halka maamulada HirShabeele iyo Puntland laga laalay min labo xildhibaan.

Sidoo kale Galmudug iyo Jubbaland ayaa laga diiday doorashadii xildhibaanada qaar ay kusoo baxeen maadaama muruno badan ay ka taagnaayeen, waxaana qoraalka lagu sheegay in kuraasta la laalay ay ahaayeen kuwii murunada badan ka taagnaayeen.

Xildhibaanada la doortay ee dib loo celiyay waxaa ka mid ah wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaarada Maxamed Cabdulaahi Nuux iyo C/casiis Saalax Carmaan oo lagu doortay magaalada Jowhar.

Axmed Maxamed Abti doon oo lagu doortay magaalada Cadaado iyo Cabdulaahi Maxamed Aadan oo Kismaayo lagu soo doortay iyo xildhibaano lagu doortay Baydhabo iyo Garowe ayaa kamid ah xildhibaanada kuraastooda la laalay.

Hoos ka akhriso qoraalka gudiga xalinta khilaafaadka.

juju

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.