5 Carruur ah oo ku geeriyootay Mandera

0 316

Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ee ay Soomaalidu degan tahay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku geeriyoodeen Shan carruur ah.
Miinadda ayaa ku Qaraxday degaanka Kanyeri oo ka mid ah degaanada hoosyimaada Mandera.
Geeridda Carruurtaan ayaa timid ka dib markii ay ku qaraxday Miino la sheegay in ay ku cayaaraayeen.
Mas’uuliyiinta gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in Miinadaasi ay aheyd mid taallay wadada dhinaceeda.
Caruurta Geeriyootay ayaa waxaa ugu weyn 15 sano jir, waxaana la sheegay dhammaantood in ay ahaayeen kuwo aad u yar.
Inta badan Qaraxyo Miino ah ayaa ka dhaca gobolka Waqooyi Bari ee dalka, waxaana qaarkood geysta Al-Shabaab , halka kuwo kalena ay yihiin kuwo waqti hore halkaasi la dhigay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.