Afhayeenka G/Banaadir oo xoriyadiisa dib u helay, kadib xabsi guri laga dhigay

0 183

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa xalay waqti dambe dib loo siiyay xoriyadiisa, kadib markii laga dhigay xabsi guri.

Xalane oo ah Sarkaal ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya, ayaa Saraakiisha Sare ee Hay’adda NISA waxa ay ku amreen inuusan ka bixi karin gurigiisa maxbuusna uu halkaasi ku yahay, ilaa amar dambe.

Sababta ka dambeysay in xabsi guri laga dhigo C/fataax Xalane ayaa waxa ay saraakiisha NISA qaarkood ku sheegeen in ay tahay arrimo ku saabsan shir jaraa’id oo uu habeenkii Sabtida qabtay, kaasi oo uu ku sheegay in Thaabit Duqii hore ee Muqdisho loo doortay laba sano iyo bar inuu sii hoggaamiyo Gobolka Banaadir.

Xalane ayaa xilligaasi wuxuu ku hadlayay xilka ah Afhayeenimada Gobolka Banaadir, balse arrintaasi oo xiisad siyaasadeed xoogan dhalisay ayaa ugu dambeyn waxa ay sababtay in xoriyadiisu uu waayo muddo kooban.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya dadaal kala duwan oo Saraakiil ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya ay sameeyeen ugu dambeyn in xoriyada dhaq dhaqaaqiisa dib loogu soo celiyay Xalane.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkan bilowgiisa wuxuu xilkii ka qaaday Maamulkii Gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyay Gudoomiye Thaabit, wuxuuna magacaabay maamul cusub oo Guddoomiye uu uga dhigay Eng. Yariisow.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.