Agaasime koofi oo Nairobi kula shiray Saraakiisha Hay’adda IOM (SAWIRRO)

0 227

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Col. Maxamed Aaden Koofi oo safar shaqo ku jooga dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Madaxda cusub ee Hay’adda Socdaalka Adduunka u qaabilsan Geeska Africa iyo Soomaaliya.

Kulankan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa soconayey mudo labo maalin ah, waxaana looga wada hadlay maanta qodobbo dhowr ah oo labada dhinac ay ku heshiiyeen.

Waxyaabaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ah Hababka wada shaqeynta, Ka hortagga danbiyada iskaga gudba xuduudaha iyo Socdaallada sharci darrada ah, Dhameystirka dib u howlgelinta barihii laga koontrooli jirey xuduudaha Dhulka ee Soomaaliya la leedahey dalalka dariska ah, Waxyaabaha ku soo kordhey socdaalada adduunka iyo iskaashi dhinaca socdaalka ah oo laga yagleelo Geeska Africa.

Agaasimaha iyo Madaxda Hay’adda Socdaalka adduunka ayaa isla qaatey in wadashaqeynta la xoojiyo islamarkaana kulamada kale ee kan xiga ay ka dhacaan gudaha dalka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.