Ahlusunna oo ka hortimid Gudiga Maanta lagu doortey Dhuusamareeb

0 190

Xildhibaanada Ahlusunna ee uu jira Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ay Maanta sicad uga soo horjeesteen Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ee Maanta lagu doortey Magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka lagu doortey gudoomiyaha iyo Ku xigeenka Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Baarlamaaanka Galmudug & labadiisa kuxigeen,waxaana Maanta kulanka doorashada ka maqnaa Xildhibaannada Ahlusunna ugu jira Baarlamaanka Galmudug.

Wararka aan ka heleyno Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhow ay Warbaahinta la hadli doonaan Xildhibaanada Ahlusunna ee ugu jira Baarlamaanka Galmudug ,iyaga oo qaarkood sheegay in dowladda Soomaaliya afduubatey guddiga doorashada Galmudug.

Tallaabada ay ku dhaqaaqeen Xildhibaannada Ahlusuna ugu jira Barlamaanka Galmudug ayaa daba socota xilli maalmihii la soo dhaafay ay hogaganka Ahlusunna loolan ugu jireen sidii ay ku heli lahaayeen guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.