Al-oo weerar culus ku qaaday Deegaanka shalanbood ee gobolka sh,Hoose

0 377

Wararka ka imaanaya deegaanka Shalanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu xalay ka dhacay deegaankaas.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka dambeeyay, kaddib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaankaas.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu muddo socday, iyadoo labada dhinac isu adeegsanayeen qoryaha lidka diyaaradaha ee ku rakiban gaadiidka.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ciidankooda iska caabiyeen weerarkii lagu soo qaaday, isla markaana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka

Xaalada deegaanka ayaa saaka ah mid degan, waxaana ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin saldhigooda, waxaa saaka ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.