Al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo ku dagaallamay duleedka Balcad

0 288

Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Al Shabaab weerar ay ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dagaalka ayaa ka dhacay degaanka Gololey oo qiyaastii 7 KM dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Balcad.
Waxaana dagaalka la’isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen dadka degaanka.
Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac ee ku dagaalamay degaanka Gololey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.