Al-Shabaab oo dab qabadsiiyay Tuullo ku dhow Jowhar

0 315

Wararka naga soo gaaraya Tuulada Gaalleefta oo ka mid ah Tuulooyinka Hoos yimaada Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay xalay dab qabadsiiyeen Tuuladaasi.

Tuullada ayaa la sheegay intii u dhaxeysay Cisha iyo sidoo kale Maqrib in ay yimaadeen Al-Shabaab ,islamarkaana ay gubeen.

Mid ka mid ah dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dadkii kunoolaa Tuulada ay horay u barakaceen ka dib markii ay Al-Shabaab u hanjabeen.
Sidoo kale waxaa uu tilamaamay in hadda aysan haysanin meelo ay galaan Madaam guryahoodii la gubay.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan Sababta keentay in ay gubaan Tuullada Gaalleefta.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.