AlShabaab iska dhiibay KGS

0 270

Dagaalyahano horleh oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa maanta oo Jimco ah iska dhiibay magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaalya.
Shabaabka isa soo dhiibay oo ku sugnaa banaanka Baydhabo ayaanan weli la sheegin tiro ahaan waxa ay gaarayaan, waxaana halkaasi ka soo kaxeeyay wafdi Masuuliyiinta degmada ay ka mid yihiin, kadib wada hadal dhexmray, kahor inta aanan la doonin.
Markii aan warkaas maqalnay ayaan la xiriirnay Wasaaradda Amniga Maamulka gaar ahaan Wasiiru Dowlaaha Amniga Maamulka Koonfur Galbeed oo inoo sheegay in warkaas uu jiro, waxaan weydiinay tirada Shabaabka isa soo dhiibay, wuxuu inoo sheegay in tiro ahaan uusan hada sheegi karin, balse ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan waqtiyada soo socda.
Warar kale oo Madax banaan ayaa sheegaya Shabaabka isa soo dhiibay in ay tiro ahaan gaarayaan 25 Dagaalame, Hubkooda iyo Gaadiidkii ay wateen.
Hadii aan dib u milicsano shalay magaalada Baydhabo waxaa iska dhiibay Sarkaal Shabaab ka tirsanaa oo lagu magacaabo Macalin C/raxmaan iyo 5 ilaalo u aheyd, sida uu Risaala u sheegay Wasiirka Warfaafinta Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.
Tan iyo markii degaanada Koonfur Galbeed uu gaaray Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa waxaa jirtay in ay isa soo dhiibayeen xubnaha Shabaab ka tirsan ee sida dhuumaaleysiga ah ku jooga magaalada Baydhabo, kuwaasi oo warar soo baxayay ay sheegayaan in Roobow uu ku cadaadinayay in ay isa soo dhiibaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.