Alshabaab oo xaley weerarey Degmada Afgooye

0 291

laba Bambo gacmeed waxa ay ku qaadeen Ciidamo Dowladda Federaalka ka tirsan oo fariisin ku lahaa Agagaarka Buundo-yar ee degmada Afgooye.
Wararka naga soo gaaraya Afgooye ayaa sheegaya weerarka inuu ahaa mid socday waqti kooban oo labada dhinac ay is hubiyeen rasaas xoogan, taasi oo baqdin gelisay shacabka.
Saraakiisha ammaanka Dowladda oo la hadlay xafiiska warbaahinta ee degmada Afgooye ayaa sheegay rag ka tirsan Shabaab in ay weerar soo qaadeen balse Ciidamada Dowladda ay iska difaaceen, maadaama xogta weerarka ay ka war hayeen.
Waxay kaloo ay sheegeen saraakiisha in Ciidamada ay wadaan dhaq dhaqaaq Ciidan oo ay uga jawabayaan weerarka Shabaabka ay soo qaadeen iyo sidii looga dabi tagi lahaa raggii weerarka soo qaaday.
Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi xaley, maadaama ay aheyd xilli habeen ah ayna adkeyd in la helo xogta rasmiga ah ee dagaalka.
Ururka Al-Shabaab, ayaa u muuqdo kuwo kordhiyay weerarada ka dhanka ah Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weeraradan ay baqdin ku abuureen dadka degaanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.