Amar lagu soo rogay shacabka Beledweyne

0 431

Maamulka Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa amar ku soo rogay Shacabka ku nool Magaaladaasi, waxaana maamulka uu sheegay in aan Shacabka loo ogoleyn in ay qaataan hub.

Gudoomiyaha Magaalada Baledweyne Aadan Axmed Xeefow ayaa sheegay in shacabka Magaalada laga mamnuucay in ay qaataan hubka nuucyadiisa kala duwan.

Waxaa uu sheegay in cid aan ka tirsaneyn Ciidamada Ammaanka aysan Magaalada ku dhex qaadan karin hub, maadaama uu sheegay in la doonaayo in la xaqiijiyo Ammaanka Magaalada.

Aadan Axmed Xeefow ayaa sheegay ujeedka amarkan in uu yahay sidii loogana hortagi lahaa kooxaha falalka amni daro ka geysta magaalada, beegsadana dadka dhaxal galka u ah bulshada.

Ciidamada Ammaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday howlgallo culus oo ay kula dagaalamayaan Kooxaha hubeysan ee ku sugan Magaaladaasi, islamarkaana aan ka tirsaneyn laamaha Amniga ee gobolka Hiiraan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.