Amarkii kasoo baxey Madaxda Puntland oo maanta dhaqan galay

0 163

Dhawaan waxaa amar uu kasoo baxey Maamulka Puntland ,kaas oo ku aadan qorshooyin dhowr ah oo looga hortagayo Cudurka Coronavirus,waxaana amarkaas kamid ah bandow Habeenkii ah oo lagu soo rogayo dhamaan Magaalooyinka Puntland,kaas oo soconaya muddo 15 Cisho ah.

Inta badan Magaalooyinka Puntand ayaa waxaa ka dhaqan galay bandowga oo bilaabanayey 6:00 Maqribnimo kuna eg ilaa 5:00 Subaxnimo,iyada oo ay istaageen isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Magaalooyinka,Garoowe,Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo,Boosaaso,Khardho, Carmo iyo deegaano badan oo ka tirsan puntland ayuu amarka bandowga ah ka dhaqan galay,waxaana wadooyinka lagu arkayay ciidamo farabadan oo fulinaya amarka Madaxda sare ee puntland.

Taliye Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in ay fuliyeen Amarkii Madaxda Sare ee puntland,isla markaana Magaalada Boosaaso uu xalay sirasmi ah uga dhaqan galay Bandowga.

Sawiro laga soo qaadey Magaalada Boosaaso ayaa waxaa la arkayay Magaalada oo haawaneysa,iyada oo dadka Magaaladaas ay xilli hore ay xaroodeen,iyaga oo u hoggaansamey Amarka Madaxda Puntland.

Sidoo kale magaalooyinka Puntland waxaa laga mamnuucey in muddo 15 Cisho ah ay ka Shaqeeyaan Gawaarida dadweynaha si looga hortago Cudurka Coronavirus,waxaana xusid mudan in deegaannada Puntland aan laga helin kiisas kamid ah COVID 19.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.