Amiir reer Qatar ah oo sheegay in uu Imaaraatka ku xidhanyahay

0 264

Mid ka mid ah qoyska xukuma Qatar ayaa sheegay inuu ku xidhanyahay dalka Imaaraatka Carabta.
Fariin muuqaal ah oo uu ku baahiyey YouTube-ka ayuu Cabdallah Bin Cali AlThaani
ku sheegay in uu marti u ahaa dhaxal sugaha taajka Imaaraatka, Maxamed Bin Saayid Aal Nahyaan, laakiin uu haatan xidhanyahay.
Wuxuu sheegay in wixii dhibaato ah ee soo gaadha uu masuul ka yahay dhaxal sugaha taajka Imaraadku.
Sannadkii hore ayaa Sheekh Cabdallah wuxuu wadahadallo heer sare ah ku galay
Sucuudiga ka dib markii boqortooyada Sucuudiga, Imaaratka, Baxrayn iyo Masar ay
dhamaantood xidhiidhka u jareen Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay taageerto
argagixisada iyo in ay Iran aad ugu dhawdahay. Qatar ayaa se beenisay
eedaymahaa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.