Amiirka boqortooyada Ingiriiska oo tagaya Falastiin

0 136

Warbaahinta UK ayaa baahisay in Xubin sare oo ka socda qoyska boqortooyada Ingiriiska iyo dowladda dalkaas ayaa markii ugu horeysay booqasho ku tagaayo dhulka dadka reer Falastiin ay hadda degenyihiin, islamarkaasna maamulaan.

Amiir William ayaa tagaya magaalada Ramallah, waxayna noqonaysaa markii ugu horeysay oo qof qoyskaan ka tirsan uu booqdo dhulka reer Falastiin oo in badan oo ka mid ah lagu eedeeyo Ingiriiska in uu Israa’iil gacan ka siiyay in ay qaataan dhulka reer Falastiin.

Safarkiisan ayaa waxa uu imanayaa xilli xiisad ay ka jirto gobolka, iyada oo Maraykanka uu safaarad ka furtay magaalada Qudus.

Amiir William ayaa sii mari doona dalka Urdun iyo Israa’iil.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.