Amisom oo Dad rayid ku dishay Degmada Mahadaay ee gobolka sh,Dhexe

0 415

Wararka naga soo gaaraya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan AMISOM ay ku dileen deegaan ku dhow degmada Mahaday dad rayid ah qaar kalana ay soo kaxeysteen guryahooda.
Labadan ruux ee la diley iyo kuwa la soo qabtay ayaa la sheegay inay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah oo degenaa deegaanka Maguurto oo qiyaastii 9km dhinaca Bari kaga beegan degmada Mahaday.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Mahaday ee dhinaca amniga iyo siyaasada Cabdulle Shacleeye ayaa u xaqiijiyay warbaahinta falkan ay geysteen ciidamada AMISOM.

Lama oga sababta keentay in ay ciidamada AMISOM ee saldhigga ku leh degmada Mahaday ay falkan geystaan. Illaa iyo haddana ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM ee la xiriira dilka iyo xariga ay kula kaceen dadka rayidka ah.

Hase yeeshee toddobaadkan ayay ciidamada AMISOM ku garaaceen madaafiic deegaanada ka xiga Bariga degmada Mahaday balse lama soo sheegin qasaare ka dhashay madaafiicdan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.