AMISOM oo ka baxday degaanka Cali Fooldheere iyo Shabaab oo qabsaday

0 237

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa waxa ay xaqiijiyeen in ciidamada AMISOM saaka ay isaga baxeen degaanka Cali Fooldheere oo ka mid ah degaanada hoos yimaada Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha dhexe.

Degaankaasi ayaa inta badan waxaa ka dhaca weeraro ay soo qaadaan ciidamada Al Shabaab.

Gaadiidka dagaalka ciidamada AMISOM ayaa saaka ka soo ruqaansaday degaankan, waxaana la sheegay inay u soo dhaqaaqeen dhanka Degmada Mahadaay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay qabsadeen degaankaasi markii ay ka baxeen ciidamada AMISOM, islamarkaana ay hadda gacanta ku hayaan.

Ilaa iyo hadda lama ogga sababta keentay in ciidamada ay ka baxaan degaankaasi oo ku yaalla meel muhiim ah.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle oo ku aadan ka bixida ciidamada AMISOM Degaankaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.