Ammaanka Baydhabo oo si weyn loo Adkeeyay iyo Wafdiyo ku soo wajahan

0 156

Ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay isla markaana ah Caasimada ku meel gaarka Maamulka KGS ayaa si weyn loo adkeeyay.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta waxaa ku soo wajahan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaf wareegaaya wadooyinka waa weyn ee magaalada Baydhabo waxayna baarayaan dadka maraya wadooyinka iyo sidoo kale guryaha.

Saacaddaha soo socda waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu ka furmo Shirka Shirka Golaha Amniga Qaranka,oo ay qeybgalaayaan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay ammaanka halka shirka uu ka dhacayo, iyadoo fariisimo ka sameystay banaanka xarunta shirka uu ka dhici doono

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.