Antonio Guterres oo xil u Magacaabay Sarkaal kasoo Shaqeeyay Soomaaliya

0 124

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa u Magacaabay Janeraal Kefyalew Amde Tessema Taliyaha cusub ee Ciidamada Nabad ilaalinta ee ku sugan Gobolka Abyee oo ay ku muransan yihiin Labada Suudaan.

Janeraal Kefyalew Amde Tessema ayaa mar ka Shaqeeyay dalka Soomaaliya, isaga oo noqday Taliye qeybeedka Ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya u jooga ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Gobolka Abyee oo ay ku murnsan yihiin labada Suudaan ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo ay kamid yihiin Ciidamo ka socda Itoobiya maadaama ay Soohdin la leeyihiin Suudaan.

Janeraal Kefyalew Amde Tessema ayaa waxaa uu kamid yahay Guddiga difaaca Itoobiya gaar ahaan waaxda Injireeniyada iyo dajinta qorshaha Ciidamada ee Wasaaradda Gaashaandhigga,waxaana uu kamid yahay saraakiisha Qibrada Ciidanimo leh ee dalka Itoobiya.

Sanadkii 2015 madax ka noqday qaybta hoggaaminta howlgalada ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo AMISOM,waxaana Shaqada hadda loo dhiibay ay tahay mid adag oo u dhaxeysa labada Suudaan ee kala Go’ay

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.