Aqalka Sare oo Guddi u saaray Weerarkii Guriga Senator Cabdi Qeybdiid

0 251

Ka dib markii maanta ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxa ay ku dhawaaqeen Guddi loogu tala galay in ay soo baaraan Weerarkii lagu qaaday guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale ” Qeybdiid”

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in Guddigaan ay heystaan Muddo gaaban, islamarkaana maalmo kooban ka dib ay ku dhawaaqi doonaan Natiijadda Baarista.

Senetaradda Aqalka Sare ayaa horay u ansixiyay in Guddi loo saaro Kiiskaasi , Maadaama Cabdi qeybdiid uu sheegay in uusan ku kalsooneyn Guddi uu horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.