Aqriso Duqeymaha Mareykanka ka fuliyeen Somalia Xiliyada ay dhaceen iyo Magacyada Saraakiisha lagu dilay.

0 372

Dowlada Mareykanka oo Dagaal Xoogan kula jirto Ururo argagaxiso ay ku jiraan Al-Shabaab ayaa Gudaha Soomaaliya waxa ay ka fulisay weeraro kala duwan oo lagu dilay Hogaamiyaal iyo Saraakiil katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Weerarada ay Dowlada Mareykanka ka fulisay gudaha Soomaaliyaayaa inta badan loo adeegsaday diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn, waxaana gantaalo ay soo rideen Diyaaradahaasi lagu dilay Hogaamiyaal iyo saraakiil katirsanaa Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale ku fashilay dhoor Weerar kale ay ku doonayeen in ay ku dilaan ama kusoo qabtaan Saraakiil katirsan Xarakada Al-Shabaab , waxaana Duqeymaha Mareykanka geestay intooda badan ka dhaceen Gobolka Sh/Hoose

Aqriso Waqtiyada Duqeymaha ay Dowlada Mareykanka ka fulisay Gudaha Somalia iyo Magacyada Saraakiisha Shabaab ee lagu dilay

May 1, 2008: Waxaa Magaalada Dhuuso Mareen Duqeyn Mareykanku ka geesteen lagu dilay Hogaamiyihii Al-Shabaab Aden Hashi Ayrow .

Sept. 14, 2009: Saleh Ali Nabhan, oo katirsanaa Hogaanka sare ee Al-Shabaab iyo Al-Qaacida ayaa lagu dilay Duqeynka dhacday agagaarka Degmada Baraawe.

Jan. 22, 2012: Duqeyn ka dhacday Duleedka Muqdisho waxaa lagu dilay Bilal Berjawi oo ahaa nin heesta Dhalshada Dalka Ingiriiska.

Feb. 24, 2012: Waxaa sidoo kale Duqeyn ka dhacday Gobolka Sh/Hoose lagu dilay Sheikh Ibrahim Abu Uhud, oo ahaa nin Jihaad doon ah kana soo jeeday Dalka Maroko.

Oct. 28, 2013: Ibrahim Ali Abdi “Anta Anta” oo kamid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab ayaa lagu dilay Duqeyn ka dhacday meel ku dhaw Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhaxe.

Jan. 26, 2014: Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn ee Dowlada Mareykanka ayaa Duqeyn ku dilay Ahmed Abdulkadir Iskudhuuq, oo kamid ahaa la Taliyaasha Hogaamiyihii Al-Shabaab ee Axmed Godane.

Sept. 1, 2014: Duqeyn ka dhacday Meel ku dhaw Degmada Sablaale ee Gobolka Sh/Hoose ayaa lagu dilay Hogaamiihii Xarakada Al-Shabaab Ahmed Abdi Godane oo sidoo kale loo yaqaanay Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr.

Dec. 29, 2014: Duqeyntii ugu Dambeysay ee Mareykanku ka fuliyay Gudaha Soomaaliya lana beegsaday Al-Shabaab ayaa lagu dilay Abdishakur Tahlil oo la sheegay in uu ahaa Madaxa Sirdoonka iyo Amniyaadka Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.