Arday ku sumowday Jalaato ay Cunneen Muqdisho

0 209

Sida ay Radio baydhabo xaqiijiyeen Maamulka Iskuulka Global oo ku yaalla degmada Kaaraan Arday ka badan 25 Arday ayaa ku sumowday Jalaato ay dhuuqaayeen.

Ardaydaan ayaa la sheegay in xanuun uu kusoo booday markii ay Jalaatadda ay Afka Saareen waxaana loo cararay Isbitaal.

Sidda ay Xaqiijiyeen Maamulka Iskuulka iyo dadka degaanka arday ayaa qaarkooda ku jira Xaalad Adag, waxaana la sheegay in laga raacay Jalaato.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow, ayaa bartiisa xiriirka Bulshada ku soo qoray inay u gurmadeen ardaydii Jalaatada ku sumoobay.

“Maamulka Benadir oo kaashanaya bulshada ayaa u gurmaday ardeyda Iskuulka Global ee degmada Kaaraan oo Jalaato ay cuneen ku xanuunsaday. Booliiska ayaa baaraya shaqsigii gadeyey iyo warshadii.”Ayuu yiri

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.