Askar lagu toogtay Muqdisho

0 344

Sida ay u xaqiijiyeen warbaahinta dadka kunool degmada Dharkeynley Koox Hubeysan ayaa waxaa ay dil u geysteen gudaha Suuq Boocle ee Degmada Dharkenley Askar ka tirsan Ciidamada dowladda.

Saddex nin oo dhallinyaro ahaa islamarkaana watay Baskoolado ay toogteen labo Nin oo ka tirsanaa Ciidamada Qaada Canshuuraha xilli ay ku sugnaayeen Gudaha Suuqa.

Qof ka mid ah dadka Suuqa oo Magaciisa iyo codkiisa ka gaabsaday in Warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in Askarta midna uu dhaawacmay midna uu dhintay.

Waxaa uu intaasi hadalkiisa kusii daray xilli la dilaayay Askarta in ay ku jireen Xarun timaha lagu jarto oo ay Canshuur ka qaadaayeen.

Dhalinayaradii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamada dowladda Soomaaliya oo hadda halkaasi ka wadda howlgallo kala duwan oo Ammaanka lagu xaqiijinaayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.