Axmed madoowe ayaa maanta Gaarey degaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose.

0 175

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday degaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiri galiyo Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ee halkaas saldhiga ku leh oo maalmahii lasoo dhaafay fuliyay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo qayb kamid ah Ciidamada kula hadlay halkaas ayaa sheegay in howlgaladii u danbeeyay ee ay fuliyeen Ciidamadu ay Tusaale u ahayd sida ay uga go’antahay xoraynta dalka isagoo xusay in tobaneeyo katirsan Al-Shabaab howlgaladaas lagu dilay sidoo kale waxaa uu intaas ku daray in qaar nool gacanta lagu hayo iyaga iyo hubkoodii.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in deegaankan laga hirgaliyay Adeegyo kala duwan oo aan jirin kahor intaan Al-Shabaab halkan laga xorayn sida caafimaadka Waxbarashada biyaha iyo adeegyo kale taas oo lagu gaaray nabada iyo doorka dadka deegaankan ay ku leeyahiin garab istaaga Ciidamada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.