Bambo gacmeed caawa lagu weeraray xarunta degmada Waaberi ee muqdisho

0 172

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, koox hubeysan ayaa caawa bambo gacmeed ku weerartay xarunta degmadaasi.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay salaadii maqrib kadib inay jug xoogan ka maqleen dhanka xarunta degmada Waaberi, kadibna ay xigtay rasaas badan oo ciidamada ay rideen.

Xoghayaha degmada Waaberi ayaa Idaacadda Radio baidoa u xaqiijiyay warkan, wuxuuna sheegay in bambo gacmeedkan uu ku dhaawacmay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dhalinyaro Munaasabad ku dhiganeysay xarunta degmada.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa bilaabay baaritaano amni xaqiijin ah, waxayna ku daba jiraan raggii ka dambeeyay weerarkan, sida ay sheegeen saraakiil qaabilsan ammaanka.

Sidan oo kale bishii Ramadaan bartamaheeda waxaa bambo gacmeed lagu weeraray xarunta degmada Waaberi, xilligaasi waxaa ku dhaawacmay Hal askari

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.