Baydhabo Oo Lagu Qabtay Xuska 50,Sano guurada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

0 276

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay lagu qabtay Xuska Sanadguurada 50aad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ay ka soo qeyb galeen Taliyaasha Ciidanka, Saraakiisha iyo madax ka socotay Dowlada Gobaleedka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka ku xigeenka Wasaarda Cadaalad iyo garsoorka koonfur galbeed mudane Cabduwahaab Cabdulahi ayaa maanta ka qeeb galay munaasabada Xuska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,

Wasiirka oo halkaasi ka hadley ayaa ka dhawaajiyey Ciidanka Asluubta in si gooni ah uu ugu xilsaaran yahay Ilaalinta Maxaabiixsta iyo Xabsiyada Dalka,

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa la Aas Aasay 22-kii Febraayo Sanadkii 1970-kii, iyadoo tan iyo xilligaasi uu si hufan u gutay waajibaadkiisa marka laga reebo inta uu dalka ku jiray burburka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.