Baydhabo Oo Maanta Laga Xusay Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha (Sawiro)

0 349

Munaasabad looga hadlayay arrimaha beni’aadanimada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka koonfur galbeed soomaaliya.

Munaasabaddani waxaa ka qeyb galay xubno katirsan wasiirrada  Koonfur Galbeed, wakiilka UNSOM ee Soomaaliya iyo sidoo kale ururro ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Wasiir xigeenka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Koonfur Galbeed Binti Ibraahim Cali ayaa sheegtay in ay wax ka qabanayaan tacadiyada xuquuqda aadanaha ee ka dhacaya Koonfur Galbeed.

Wasiir xigeenka ayaa waxa ay soo hadal qaaday arrimaha la xiriira kufsiga iyo tacadiyada loo geysto dumarka iyo askareynta carruurta oo ay sheegtay in ka wasaarad ahaan ay xil iska saari doonaan.

Dhanka kale, Wakiilka Xafiiska UNSOM ee gobolka Bay MR. Vicram oo munaasabadda goobjoog ka ahaa ayaa ka hadlay qodobo ay kamid tahay cadaaladda iyo sida loo xallin karo cabashada ka imaanaysa dadka laga tirada badan yahay.

Wakiilka ayaa soo jeediyay in la xalliyo cabashada ka imaanaysa dadka wax tabanaya  oo la suurtagaliyaa dib u sixidda qaladaadyo ka dhacay dhinaca cadaaladda.

Maanta oo ah 10-ka December ayaa ku beegan maalinta xuquuqda aadanaha ay u asteysay Qaramada Madoobe in ay tahay maallin loo asteeyey xuquuqul aadanaha.

02

03

05

08

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.