Booliska Kenya oo labo dhalinyaro Soomaali ku dilay Xaafada Islii

0 886

Ciidamada Booliska Kenya ayaa xalay fiidkii ku dilay xaafada Islii ee magaalada Nairobi labo dhalinyaro Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyay inay burcad ahaayeen.

Labada dhalinyaradan ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen koox burcad ah oo lagu magacaabo Super Power, kuwaasoo dhibaato ku hayay dadka ku nool Xaafada Islii.

Booliska ayaa soo bandhigay hub ay wateen labada dhalinyar, waxaana ay sheegeen in labada dhalinyaro ay ka tirsanaayeen koox isugu jirta Kenyan iyo Somali oo dhac ka geysan jiray Xaafada Islii.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa sheegay in raggan ay muddo bilooyin ku raad-joogeen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Soomaalida ku nool Xaafada Islii ayaa horay ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka tanaasulaan falalka burcadnimo ee ay ku lug leeyihiin..

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.