Bulgaria oo ku biirtay howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida

0 145

Dowladda Bulgaria oo ka mid ah dowladdaha ku yaalla Balkaanka ayaa maanta si buuxda ugu dhawaaqday in ay ka qayb qaadanayso howlgalka la dagaalanka Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee ka soconaaya Xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed.

Afhayeen maanta u hadlay Dowladda Bulgaria ayaa sheegay in ay dhowaan Ciidanka Badda ee Midowga Yurub ka qayb qaadanaaya howlgalka ay ku biirin doonto 30-ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Badda kuwaas oo saarnaan doona Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

”Ciidamada Bulgaria waxaa ay ka qayb qaadan doona ilaalinta Xeebaha Soomaaliya iyaga iyo xubnaha kale ee ka socda Midowga Yurub,waxayna qaadi doonaan talaabooyinka macquulka ah” Korneel Sayis Polti.

Sidoo kale taliyaha Ciidamada Badda Bulgaria ayaa dhankiisa sheegay sidoo kale in13 Bishaan ay ku biiri doonaan howlgalka NATO.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.