Cabdiweli Cali Gaas iyo Safiirada Dalalka Itopia,Yeman Ayaa Maanta Booqday Xeryaha Qaxootiga Ku yaala Puntland.+Sawiro.

0 955

Madaxweynaha Maamulka goboleedka  Putland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa ku sugnaa Qunsulka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Asmalaash iyo Safiirka Yemen u fadhiya Soomaaliya Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani,Ayaa booqdeen xiryo ay ku jiraan qaxooti yaman ka yimid  maadaama dad u dhashay dalalka Itoobiya iyo Yemen ay qayb ka yihiin dadka soo qaxay ee ku jira Xerada.

Qunsulka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Asmalaash ayaa Puntland iyo dadweynaheeda uga mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay dadka ka soo qaxay Yemen ee ku jira Xeradan, wuxuuna sheegay in Puntland ay gacan ka siinayaan sidii loo caawin lahaa Qaxootiga u dhashay dalka Itoobiya.

Safiirka Yaman u fadhiya Soomaaliya Mr. Mansur Ali Rayash Al-imrani aya waxa u yiri “Waxan u mahad celinaya xukumadda Puntland,  Sidokale waxan u mahad naqaya madaxwayanah Maamulka Puntland sida ay ugu gurmaden Qaxootiga yamaniyinta aha ee uso qaxay deegaannada maamulka,  waxaan sidokale ugu baaqaya Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gar gaarka iyo Wadamada Carabta inay gurmad laso garan, Dadka kasoo qaxay Wadanka Yemen Dadka Yamaniyinta aha ee kaso qaxay Yemen waxa ay ka yimaden kuwa ugu badan magalada Cadan iyo Mukala”

Cabdiweli  Gaas ayuu yiri “Adban u bogadinaya inti u daa dashay inti u kacday, wanaag badan bey helayan insha alaha Dadku dad somaliyed weye inta kalena Dad walalehena Oo dariskena weye Yamani yin ha ahaden itobiyan ha ahaden Awal anaga u qaxnay Hadana way noso qaxen waxan raba marka wajibadki nasarna Re Puntland way qabten”.

HALKAN KA DAAWO SAWIRAD.

 

IMG_4156IMG_4170IMG_4226IMG_4227IMG_4236IMG_4251IMG_4284IMG_4307IMG_4338IMG_4341IMG_4342IMG_4347IMG_4350IMG_4357

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.