Caro ka dhalatay Gabar Soomaali ah oo lagu dilay Qabri-Dahare

0 242

Qaar ka mid ah dadka Shacabka ah ee kunool Magaalada Qabri Dahare ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa caro xooggan ka muujiyay Gabadh dhalinyaro ah oo la sheegay in ay dileen ciidamada Liyuu Boolis.

Qaar ka mid ah Eheladda Gabadha ayaa warbaahinta u sheegay in meykeeda laga heley meel saldhig ciidan ah oo sida la sheegay lagu xiray mar sii horeysay.

Gabadhan oo lagu magacaabo Taysiir Cumar Maxamed Cilmi Salal, waxa ay jirtay 20 sano, wali ma aysan guursanin, waxayna u shaqaynaysay dowladda hoose ee magaalada Qabri-dahare, gaar ahaan xaafadda shanaad.

Maxamed Xiis Kallane oo gabadha adeerkeed ah, kuna sugan magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika ayaa BBC-da u xaqiijiyay geerida gabadha, wuxuuna sheegay in gabadha ay qabteen ciidanka maamulka, saacado markii ay hayeena ay reerka ku wargaliyeen in ay is dishay.

“Qoladan meesha joogta, kuwa wax maqlaya ma ahan, baaqna looma diri karo, dhibaatadan alle ha naga dulqaado, tii ugu horeysay ma ahan, tii ugu dambeysayna ma ahan, dilkana hala joojiyo, waa ceeb kusoo korortay Soomaalida” ayuu yiri Maxamed Xiis Kallane oo ku hadlay magaca qoyska gabadha ay ka baxday.

Baraha bulshada ayaa aad loogu faafinayaa qoraalo iyo haddalo looga soo horjeeda falka dhacay, waxaana arrintan ka dhashay dareen caro leh.

Lama oga sababta loo xirey markii horeba, iyo waxa sababay dhimashadeeda. Waxaase la sheegay in arrintan ay ka dhacday xero ay ciidamada ku leeyihiin magaalada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.