Ciidamada Israa’iil oo toogtay Falastiiniyiin

0 133

Ciidamada Israa’iil ayaa toogtay labo qof oo Falastiini ah sidda ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan maamulka Qaza.

Maamulka Falastiin ayaa sheegay in ay laba qof oo Falastiiniiyiin ah ay ku dhinteen rasaas ay ku soo rideen taangiyada Israa’iil goob ay deggan yihiin dableey Falstiiniyiin ah.

Ciidamada Israa’iil ayaa waxay sheegeen iney taangiyada Israa’iil rasaas fureen kaddib markii uu qarax ka dhacay meel ku dhaw darbiga xuduudda qaza.

Falkaan ayaa ka dhacay duleedka Bariga ee magaalada Rafah ee dhulka Falastiin.

Xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Qaza ayaa cirka isku sii shareereysay tani iyo bisha March iyada oo in ka badan boqol Falastiiniyiin ah oo mudaharaadayey la dilay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.