Ciidamada Israaiil oo toogtay Wiil 14-sano jir ah

0 204

Saraakiisha caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in laba Falastiiniyiin ah ay dileen Israaiil intii lagu jiray mudaharaadyo ay ka qeyb galeen Boqolaal ka mid ah Falastiiniyiinta.

Dhibbanayaasha waxaa ku jiray Yasser Abu al-Naja oo 14-sano jir ah oo geeriyooday kadib markii uu dhaawac soo gaaray sidda uu xaqiijiyay Khan Younis, Ashraf al-Qidra, oo ah afhayeenka dhinaca caafimaadka ee Gaza.

Mohammad Fawzi Hamaydeh, oo 24 jir ah, ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inuu dhintay wax yar ka dib markii lagu toogtey dab la qabadsiiyay caloosha iyo lugta, bariga Rafah ee ku yaala koonfurta Gaza.

Dadka Falastiinitiinta ah ayaa sameeya banaanbaxa maalin walba oo Jimco ah, waxaana loo geystaa dhibaatooyin culus in ay waddaan banaanbaxaasi.

415 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii Jimcihii, 11 waxay ahaayeen carruur. Saddex ka mid ah kiisaskooda dhaawaca ah ayaa ahaa kuwo daran

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.