Ciidamada Koonfur Galbeed oo qabtay xubno ka tirsan Shabaab

0 205

Ciidamada Ammaanka ee ku sugan degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Shabaab kuwaa soo waxyaabaha qarxa u aasaayay wadda u dhaxeysa Magaalada Baydhabo iyo degaanka Daynuunay.

Waxa ay sheegeen Saraakiisha ciidamada Ammaanka maamulka Koonfur Galbeed in la qabtay labo qof, kuwaasoo Miino ku Aasaayay wadada.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuuraddiin Gacma ayaa Radio baidoa u sheegay in ciidamada Ammaanka ay qarxiyeen Miinadii, islamarkaana hadda labada nin la geenay Magaalada Baydhabo.

Waxaa uu sheegay in raggaan dhawaan Caddaaladda la marsiin doono, maadaama ay doonaayeen in ay dhibaateeyaan dadka Shacab ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.