Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka ee NISA oo gaarey deegaan lagu arkay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

0 165

Ciidamo ka tirsan Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa gaarey Deegaanka Barujeed ee Gobolka Galgaduud halkaas oo la sheegay inay gaareen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Nabadsugida Guriceel Maxamed Gaanyac Cabdulle oo Hogaminayey Ciidamada Dowlada ee Halkaa gaarey ayaa sheegay Al-Shabaab dib uga baxeen Deegaanka Barujeed haatana ay xaqiijiyeen Amaanka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay taliyaha in Ciidamada NISA ay si wadi doonana howlgallada ilaa deegaanada ku dhow dhow degmada Guriceel laga saarayo Xubnaha ka tirsan AS-Shabaab.

Dhowr Bilood ka hor ayaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa lagu wareejiyey laamaha Amniga Soomaaliya, iyada oo muddo ka badan 10 Sano ay gacanta ku hayeen Ciidamo ka amar qaata hoggaanka Ahlusunna ee ku biirey Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.