Ciidamada Nabadsugida oo xalay howl gallo ka sameeyay duleedka Muqdisho

0 341

Ciidamanada Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xalay howl gallo baaritaan ka sameeyay duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanada Garas-Baalley iyo KM13, iyadoo howl galkan uu muddo saacado ah socday.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada ayaa mid mid u baarayay guryaha deegaanadaas, waxaana la sheegay in la helay xog ah in deegaanadaas ay ku sugan yihiin rag la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Warbaahinta afka dowladda ku hadasha ayaa sheegtay in howl galadaas lagu soo qab qabtay dad kala duwan iyo hub, waxaana ciidamada ay xaqiijinayeen runta tuhumada ay qabeen intii uu howl galka socday.

Ciidamada Nabadsugida ayaa muddooyinkii u dambeeyay howl gallo xiriir ah ka waday inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana jiray dad fara badan oo lagu soo qab qabtay howl galadaas.

Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa sheegay inay kordhinayaan sugida ammaanka, iyadoo Al-Shabaab ay iyana dhankeeda weerarada kordhisay, waxaana weerarkii u dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay uu ahaa qarax ismiidaamin oo 21-kii bishii hore ka dhacay koontaroolka ugu horeeya ee laga galo Madaxtooyada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.