Ciidamaddii gacanta ku haayay xarunta Golaha Shacabka oo dib loogu soo celiyay

0 396

Sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ciidankii hore u joogay Dhismaha Baarlamaanka ee Muqdisho ayaa dib loogu celiyay mas’uuliyadda amniga baarlamaanka maanta.

Tiradda Ciidamada Booliska ah ee dib loogu soo celiyay xarunta ayaa dhan 114 askari oo boolis ah. Waxaa amniga dhismaha baarlamaanka dhawaan kala wareegay ciidamo kale oo uu gudoomiyaha baarlamaanka ku eedeeyay in ay soo dirtay xukuumada.

Mas’uuliyiin ka dhow guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in cidankaasi shalay gelinkii dambe lagu soo celiyey dhismahama baarlamaanka ayna haatan iyagu hayaan mas’uuliyadda amniga gudaha ee dhismaha.

Waxaa sidoo kale dhammaan laga saaray ciidamadii horay loo keenay xarunta Golaha Shacabka

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.