ciidamadii maalin ka hor tababarka loogu soo xiray Degmada Buur kawa oo lawareegay Degaanka Buur Eeyle ee Gobolka Baay

0 335

buurApril 9 (Radio Baidoa)-Wararka ka imaanaya Degaanka Buur Eeyle oo u dhaw Degmada Buur hakawa ee gobolka baay ayaa sheegaya in saaka aroortii ciidamada Maamulka koonfur galbeed ay la wareegeen degaankaasi oo ay horey hoysteen ciidamada ururka Al-shabaab

ciidamadaan saaka la wareegay degaanka Buur Eeyle ayaa maallin ka hor waxaa tababar u soo xiray mas,uuliyiin ka tirsan maamulka koonfur Galbeed soomaaliya oo ay kamid ahayeen wasiirka amniga koonfur galbeed Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geesey iyo wasiirka hubka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka Xasan Maxamed Xuseen Eelaay iyo mas,uuliyiin kale

Dadka deegaanka Buur Eeyle oo la hadlay Radio Baydhaba ayaa u sheegay in saaka ay ku waa bariisteen ayagoo deeganka ku sugan ciidamada maamulka koonfur galbeed soomaaliya sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxa ay intaa ku dareen in aan ka dhicin deegaanka dagaal sidaa u buuran hadana xaalada ay tahay mid dagan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.