ciidamadii maanta muqdisho ku dagaalamey oo lakala dhexgaley iyo xaalada deeganadii lagu dagaalamey oo Degan.

0 139

Dagaalkana ayaa deegaan dulka ka ah degmada Deeyniile ee gobolkan Banaadir waxaa uu ku dhex-maray Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomalaiya oo la sheegay inay ka yimaadeen Gobolka Shabeellaha Hoose iyo kuwa Booliska degmada Deeyniile halka wararka qaar ay sheegayeen in labada Ciidan ay ka kala tirsanaayeen degmada deeyniile iyo degaanka Garasbaaleey.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu yimid,kaidb markii la isku qabsaday dhul ku yaalla inta u dhaxeysa degmada Deeyniile iyo deeganka Ceelasha Biyaha oo la cabirayay,waxaana dagaalkii dhacay ku geeriyooday in ka badan Shan Askari oo labada dhinac ah.

Goobjogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadii Milalteriga ahaa ay dib ugu laabteen halkii ay markii hore ka yimaadeen ee gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana xaalada ay tahay mi degan.

Warar kale oo soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaanka lagu dagaalamay ay gareen Ciidamo ka tirsan kuwa Haramcad ee Booliska Soomaaliya,kuwaas oo la kala dhex-dhigay Ciidamadii dagaalamay.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Deeyniile iyo Saraakiisha Ciidamada Millateriga weli kama hadlin dagaalka duleedka degmada Deeyniile ka dhacay ee sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.