Ciidamda Dowlada iyo kuwa Daraawiishta Jupland oo howlgal kawada deegaano duleedka ka ah degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose.

0 133

Ciidanka ka tirsan kuwa dowladda oo ay wehlinayaan kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa ay howlgal ka wadaan deegaano duleedka ka ah degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay Maalin ka hor sheegeen in howlgalkaas ay dhowr tuulo kula wareegeen,sidoo kalena ay ku doonayaan inay Al-Shabaab kaga saaraan degmada Jamaame.

Taliyaha Guutada 11aad Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka G/Sare Maxamed Xasan Badal ayaa sheegay in howlgalkaas ay intiisa badan guulo waaweyn ka gaareen,isla markaana ay sii wadi doonaan.

Isaga oo la hadlayay Taliyaha Warbaahinta Dowladda ayaa waxaa uu sheegay in qorshaoodu uu yahay inay Al-Shabaab ka saaraan deegaannada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda & kuwa Daraawiishta Jubbaland ay wadaan howlgallo iyo dhaq dhaqaayo kala duwan,kuwaas oo halkaasi siwyen looga dareemay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.