Ciidamo Ajnabi ah oo Weeraray Baar-Sanguuni

0 212

Ciidamo Mareykanka ah iyo Kuwa Jubbaland ayaa Saakay waxa ay Weerar ku qaadeen degaanka Baarsanguuni , waxaana halkaasi ay ku dagaallameen ciidamo ka tirsan Ururka Al- Shabaab.

Degaanka Baar Sanguuni ayaa waxa ka dhacay dagaal socday mudo ka badan Saacad sidda ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ee ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsaday dagaalka, inkastoo aanan la ogaan karin khasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi ka dhashay, haddana dhinacyadii dagaalamay mid kasta guulo ayuu sheeganayaa.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada ay dileen laba ka mid ah Shabaab, ka dib markii ay Weerar ku qaadeen degaankaasi.

Weerarkaan ayaa yimid ka dib markii xalay halkaasi ay Weerar kusoo qaadeen ciidamo ka tirsan Shabaab.

Shabaabka war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen weerarka inuu ku bilowday qarax, intaasi kadibna uu xigay dagaal socday mudo ka badan Saacad.

Waxay kaloo Shabaab sheegteen gaari nuuca Gaashaaman oo ay la socdeen Ciidamo Caddaan ah in ay waxyeello ku gaarsiiyeen qaraxan oo lagula eegtay meel ku dhow degaanka Buula Gaduud oo qiyaastii 30-KM ujira magaalada Kismaayo.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamadii isugu jiray Cadaanka iyo kuwa Jubbaland ay dib ugu laabteen Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo oo markii hore ay ka soo dhaqaaqeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.