Ciidamo buux dhaafiyay Xarunta Golaha Shacabka

0 184

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya xarunta Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay gaareen ciidamo aad u badan oo ay hoggaamiyeyaal taliyeyaasha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Muuqaal laga soo duubay xarunta Golaha Shacabka ayaa muujinaayay Gaadiidka dagaalka iyo baabuurta aysan xabaddu karin oo gaaray xarunta.

Ciidamada Hadda ku sugan xarunta Golaha Shacabka ayaa isugu jira Booliis , Nabad suggid , Milatari iyo ciidamo ka socda AMISOM.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in Gudaha ay ku sugan yihiin ciidamo taageersan Guddoomiye Jawaari.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.