Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa Toogasho kudiley Nin hubeysnaa oo saarnaa Mooto Bajaaj

0 175

Xalay fiidkii Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxaa ay toogasho ku dileen Nin hubeysnaa oo saarnaa Mooto Bajaaj,xilli uu marayay agagaarka Bar koontorool oo Ciidamada ay ku leeyihiin Iskuul Muqdisho oo dhowr tallaabo u jira Isgoyska Maana Booliya.

Ruuxa hubeysan oo ay Ciidamada toogteen ayaa watey Qor AK47,waxaana la sheegay in isaga iyo askarta ay wada murmeen taas oo keentay inay toogtaan,waxaana medykiisa uu goobta yaalay saacado badan.
Idaacaddaraadiyo beydhabo ayaa heshay xog ku saabsan waxa uu ahaa qofka la toogtey,waxaana lagu Magacaabi jirey Bashiir Maxamed Xasan Wancade ,isaga oo kamid ahaa askarta Ciidamada Dowladda gaar ahaan ilaalada Guddoomiye ku xigeenka Degmada Kaaraan Sowdo Maxamuud Gaabow.

Dhinaca kale Ehelada Marxuumka ayaa waxaa ay sheegeen in askartii dishay wiilkooda ay muddo saacado badan ah joogeen goobta ay wax ku dileen,isla markaana aysan jirin wax tilaabo ah oo laga qaadey.

Laamaha Amniga Soomaaliya gaar ahaan booliska oo ay ka tirsanaayeen Ciidamada askariga diley weli wax faah faahin ah kama bixin

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.