Ciidamo saldhigyo ka sameystay Waddada xiriirisa Jowhar iyo Balcad
Ciidamo isugu jira kuwa dowladda Soomaaliya iyo ciidamo AMISOM ah ayaa fariisimo ka sameystey wadada u dhexeysa magaalada Jowhar iyo degmada Balcad gaar ahaan goob hore loogu weeraray ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga ah.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay fariisimo ka dhigteen deegaanka Haan-Sheekh oo u dhexeeya Gololey iyo degmada Balcad iyo sidoo kale deegaanka Gololey.
Ciidamada ayaa halkaa fariisimo ka sameystay kaddib markii bilihii ugu danbeeyayba xaalad amaan daro oo weyn ka taagneyd waddadaas , waxaana la filayaa in ciidamadan sugaan Amniga waddada.
Ciidamo AMISOM ah iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa dhowr jeer hore dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku weerareen Haan-Sheekh halkaasoo gaadiid dagaal loogaga gubay ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalidaba.
Al-shabaab ayaa marar badan oo hore weerarro ka geystay waddadas, iyaga oo jidka u gallay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ay gaarsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.