Ciidan tababbar loogu soo xiray dalka Jabuuti

0 332

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa halkaasi uga qaybgalay tababarka ay ciidamada Karanbinyeeriga Talyaaniga ay siiyaan Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenka Ciidanka , iyadoo lala kaashanaayo Ciidamada Boliiska Dalka Jabuuti, waxaana halkaasi tababbar loogu soo gabo gabeeyay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska ee dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya oo si wada jir ah loo siiyay tababbarka.

Waxaa xafladda Xiritaanka dhanka Karanbinyeeriga Talyaaniga ka soo qayb galay wafdi uu hoggaaminaayey Taliye Ku Xigeenka Ciidankaas ee dhanka Dawladda Jabuuti Waxaa ka soo qayb galay Wasiirro, Xildhibanno Iyo Taliyayaasha Ciidamada Dalka Jabuuti.

Munaasabadda ayaa sidoo kale shahaado sharaf la siiyay saraakiil ka socotay dowladda Talyaanoga ee tababbarka siiyay ciidanka booliska.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.